“Hada Ayaanu Garanaynaa Sababta Uu Dortmund U Joogay” – Dortmund Oo Gabadh Qurxoon Shaqo Siisay & Jamaahiirta Man United Oo Kaftan Ka Sameeyay

0
81

Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa kaftan ka sameeyay sababta uu kooxdooda ugu soo biiri waayay ee uu ilaa hadda Borussia Dortmund u joogo garabka weerar ee xulka qaranka England ee Jadon Sancho.

Sababta ay taageerayaasha Manchester u filanayaan in Sancho kooxdooda diiday ayaa ah in Borussia ay shaqo dhinaca tababarka jidhka ah siisay gabadha lagu magacaabo Alica Shmidt oo ka qayb qaadata orodada caalamiga ah.

Muuqaalka qurxoon ee gabadhan ayaa dhaliyay in wargeyska ree Norway ee Busted Coverage uu ku sifeeyo “Gabadha ugu qurxoon” dhammaan xirfadlayaasha ciyaaraha kala duwan.

Maadaama oo ay wada shaqayni kala dhaxayso shirkada Puma si lamid ah Borussia Dortmund, Alica ayaa lagu marti-qaaday inay tababar jimicsi ah siiso xiddigaha Borussia Dortmund.

Haddaba, taageerayaasha Red Devils oo barta Twitter-ka shaaca kaga qaaday aragtidooda kaftanka ah ee sababta uu Sancho uga soo dhaqaajin laayahay Germany ayaa sheegay in ay tahay maadaama Alica Schmidt ay timid Dortmund.

Qaar kamida jamaahiirta fikradaha kaftanka ah keenay ayaa sheegay in qaabka kaliya ee kooxdooda ay 20 sano jirkaas ku keensan kartaa ay tahay in ay heshiiska ku darto 21 sano jirkaas Germany kasoo jeeda.

“Sancho, waan ogahay sababta aanad wali uga tagin Dortmund walaal” ayuu yidhi taageeraha koowaad ee aragtida dhiibtay.

Mid kale oo isla dareenkaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxay samaynayaan waxkasta si ay u haystaan Sancho”

“Qaabka kaliya ee ay United ula wareegi karto Sancho waa inay tababaraha jidh-dhiska ku darto heshiiska” ayuu dareenkiisa ku cabiray taageere kale oo qaba in ay tahay in Alica iyo Sancho la wada keeno Old Trafford.

“Hadda ayaanu ognahay sababta uu Sancho u joogay” ayuu mucaashaq kale si fudud ku yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here