Granit Xhaka Oo Magacaabay Halka Xiddig Ee Arsenal Ku Hogaamin Kara Ku Guulaysiga Horyaalka Premier League.

0
86

 

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa aaminsan in saxiixa cusub ee Arsenal Willian uu ku dhiiro galin karo Gunners inay ugu dambeyn u tartanto hanashada horyaalka Premier League.

Xiddiga reer Brazil ayaa kooxda Mikel Artete si xor ah ugu soo biiray bishii August isaga oo kaga soo biiray kooxda Chelsea isaga oo ku bilowd dhamaan 3-dii kulan ee ay Arsenal ciyaartay.

Xhaka ayaa kalsooni ku qaba khibradda Willian, saxiixa Gabriel iyo heshiiska cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang fiicnayn doonto rajadooda u soo bixista champions League xilli ciyaareedka cusub.

Xhaka ayaa u sheegay Goal.com:”Willian iyo Gabriel Waxa ay kooxda ku soo dareen tayo weyn iyo maskax badani qolka labiska ah”.

“Willian wuu garanayaa sida loogu guuleysto koobab, waxana uu naga caawin karaa ku guulaysiga horyaalka premier League.”.

“Saxiixa cusub ee Aubameyang waxa uu noqday mid muhiim u ah kooxda waxana aan dib ugu soo laaban karnaa champions League”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here