Goos-Gooska Kulankii Dhexmaray Wolves VS Man City

0
50
Kooxda Man City ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Wolves kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Molineux Stadium.

Kooxda Man City oo qayb hore oo cajiib ah waliba ay ku awood badnayd dhalisay 2 gool ayaa ka caawisay in ay guul ku bilaabato horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man City u muuqatay kuwo ka yara qaab ciyaareed hooseeya sidii qaybtii hore iyaga oo aan dadaal badan u samaynayn dhalinta goolal kale ama samaynta fursadaha

Daqiiqadii 78-aad ayay Wolves dhalisay goolka 1-aaad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Raul Jimenez kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1

Daqiiqadii 90+4-aad ayay Man City dhalisay goolka ay ciyaarta ku dishay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ay kubadiisu ku dhacday xiddig Wolves ah sidaasna shabaqa ku gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here