Gary Neville Oo Man United U Sheegay Tirada Saxiixyada Ay U Baahantahay Kadib Saxiixii Van de Beek

0
11

Halyeeya Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa ku booriyay Manchester United inay lasoo saxiixato ugu yaraan seddex ciyaaryahan kale xagaagan kadib markii ay 40 milyan kula soo wareegeen xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek.

Xiddiga reer Holland ee Van de Beek ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee Ole Gunnar Solskjaer ee xagaaan iyada oo Red Devils haatan dareenkooda u jeedin doonto bartilmaameedyada kale.

Man United kaalinta 3-aad kaga dhamaystay premier League xilli ciyaareedkii hore ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigaha Jadon Sancho, Jack Grealish, Alex Telles iyo Sergio Reguilon.

Neville ayaa aaminsan in kooxdiisii ​​hore ay u baahan tahay inay la soo wareegto daafac bidix, daafac dhexe iyo ugu yaraan hal weeraryahan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga 5-ta October hadii ay doonayaan in ay soo yareeyaan farqiga ay ka dambeeyaan Man City Iyo Liverpool.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu Neville yidhi”Waxaan u maleynayaa in booska Daafaca Bixi tahay mid muhiim ah sababta oo ah Luke Shaw dhaawac ayuu ku dhibaatooday”.

“Waxan u malaynayaa in uu daafac dhexe muhiim tahay in uu yimaado kooxda iyo hal weeraryahan, Weli waxaan qabaa inaan u baahanahay seddex ama afar saxiix”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here