Gary Neville Oo Badalay Saadaashiisii Horyaalka Premier League Kadib Markii Liverpool Garaacday Arsenal.

0
54

 

Daaficii hore ee Manchester United iyo xulka England Gary Neville ayaa bedelay saadaashiisa horyaalka Premier League – kaliya seddex kulan kadib markii la ciyaaray xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Difaacanaysa horyaalka ee Liverpool Everton iyo Chelsea ayaa ah kooxaha dhamaan wada badiyay 3-dii kulan ee ay ciyaareen halka Aston Villa bilaa guuldaro tahay inkasta oo ay 2 kulan ciyaartay.

Kooxdii kaalinta 2-aad ka gadhay premier League xilli ciyaareedkii hore ee Man City ayaa guuldaro 5/2 ah gadhka loo galiyayy kulankii ay la ciyaartay Leicester City.

Neville ayaa kooxda Pep Guardiola u saadaaliyay ku guulaysiga premier Legaue ka hor intii uuna bilaaban xilli ciyaareedku laakiin haatan waxa uu durba badalay saadashiisa isaga oo haatan horyaalka u saadaaliyay kooxda Liverpool.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa guul 3/1 ah ka gaadhay Arsenal isaga oo waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Gary Neville oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan doortay Man City ka hor bilowgii xilli ciyaareedka, waxa saadaasha nagalu waydiiyay sida ay ku bilaaban karaan”.

“Waxa aan u malaynayay in ay si fiican u gali doonaan suuqa laakiin haatan ma joogo booskaas, inkasta oo kaliya la ciyaaray 3 kulan hadana waxa aan badalayaa saadaashayda”.

“Kuma badalay saadaashayda wixii dhacay Axdii, sida iska cad waxa aan si gaar ah ula socday kulankii Etihad ka dhacay ee ay Leicester City 5/2 ku garaacday Man City laakiin waxa aan daawaday Liverpool xitaa kulankii ugu horeeyay ee Leeds dadku waxa ay sheegayeen in ay ayna ku jirin qaab ciyaareed fiican waliba sameeyeen khalad badan”.

“Kulankaas waxa uu ahaa mid waalan, waxa uu ahaa kulan hadii aad badiso xitaa hadii aanad qaab ciyaareed fiican soo bandhigin muujinayso arinm muhiim ah”.

“Kadib waxa ay la soo saxiixdeen laba xiddig kadib waxa ay chelsea kaga badiyeen Stamford Bridge”.

“Kadib waxa ay ka badiyeen Arsenal kuwaas oo ahaa koox si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedkan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here