Garry Neville Oo Weerar Ku Qaaday Mohamed Salah & Diogo Jota Oo Sabab U Ah.

0
76

 

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa weerar ku qaaday bakhaylnimada Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah kadib guushii ay Liverpool ka gaadhay kooxda Arsenal.

Liverpool ayaa guul 3/1 ah ka gaadhay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.

Taageerayaasha Liverpool ayaa dhankooda Mohamed Salah ku weeraray bakhaylnimadiisa kadib markii uu xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Diogo Jota ka hor qaaday kubad uu si fudud gool uga dhalin karay laakiin labadooduba seegeen fursadaas.

Gary Neville Ayaa taageerayaasha Liverpool ku raacay waxana uu u sheegay wargayska The Mirror”Waa tan qaybta bakhaylinimad ee Mohamed Salah”.

“Salah wakhtigaas waxa uu ka fikirayay adigu gool kamaad dhalin gool kadib waxa uu Diogo Jota ka hor qaatay kubada”.

“Bakhaylnimada Salah waa wax u fiican isaga laakiin waxa ay ahayd saaxiibkiis Diogo Jota in uu uga tago kubada si uu goolka u dhaliyo”.”

“Diogo Jota waxa uu dhalin karay gool hadii uuna Mohamed Salah ka hor qaadin kubada, inkasta oo uu Salah yahay xiddig fiican hadana waxa uu ahaa in ayna talaabadaas fiicnayn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here