Gareth Bale Oo Ka Farxiyay Man United, Muxuu Sameeyay?

0
33

 

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa albaabka u furay ku laabashada Premier League xilli ay Man United u calaamadsatay badalka Jadon Sancho.

Red Devils ayaa isaga hadhaysa baacsiga ay ugu jirto xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho sabab la xidhiidha qiimaha lagu doonayo oo aad sareeya.

Solskjaer ayaa doonaya in uu wali xoojiyo xiddigaha garabka uga ciyaara wargayska Daily Star ayaana sheegaya in uu Bale haatan noqday bartilmaameedka 1-aad.

Bale ayaa ka farxiyay Man United kadib markii uu qirtay in uu diyaar u yahay ku soo laabashada premier League hadii ay jiraan kooxo doonaya.

“Hadii ay fursad ii soo baxdo, waa wax aan ka fiirsan doono shaki la’aan, waan eegi doonaa waxa dhaca wakhti badan ayaa ka hadhay suuqa”ayuu Bale yidhi.

“Wakhtiga ayaa sheegi doona laakiin waxa aan aaminsanahay in ay gacanta Real Madrid ku jiraan wax walba”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here