Frank Lampard Oo Xaqiijiyay Kulanka Uu Ben Chilwell Chelsea U Safan Doono Kulankiisii Ugu Horeeyay.

0
53

 

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ha ayaa xaqiijiyay in xiddigaha Thiago Silva iyo Ben Chilwell ay ka qayb qadan doonaan kulanka Carabao Cup ee ay la ciyaarayaan Barnsley habeenka Arbacada.

Silva iyo Chilwell ayaa ka soo muuqan doona kulankoodii ugu horeeyay ee Blues Kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Championship ee Stamford Bridge, laakiin Hakim Ziyech ayaa wali sugi doona kulankiisii ugu horeeyay maadama uu wali ka soo kabsanayo dhaawac jilibka ah.

“Chilwell waxa uu ka mid ahaan doonaa kooxda bari”ayuu Lampard yihdi.

“Pulisic iyo Ziyech way dhawyihiin laakiin ma ciyaari doonaan kulanka bari”.

“Silva sidoo kale waxa uu ka qayb qaadan doonaa kulanka bari waxana uu helayaa taam ahaanshihiisa, go’aan ayaanan gaadhi doonaa ka hor kulanka”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here