Frank Lampard Oo Sharaxay Sababta Uu Kai Havertz Qaab Ciyaareedka Xun Ugu Bilowday Xirfadiisa Premier League.

0
76

 

Frank Lampard ayaa rumeysan in taam ahaansho la’aanta ay ka mid tahay sababaha uu Kai Havertz qaab ciyaareedka xun ugu bilowday xilli ciyaareedkan tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda halka sidoo kale ay waqti ku qaadaneyso inuu la qabsado kooxda.

Chelsea ayaa lacag ku dhaw 100 milyan oo euro ku keentay xiddiga reer Germany laakiin xiddiga 21 jirka ah ayaa ku fashilmay in uu qaab ciyaareed xun soo bandhigo labadii kulan ee uu u ciyaaray kooxda.

Waxyaabo waaweyn ayaa laga filayay xiddiga khadka dhexe kadib markii uu ku soo biiray kooxda laakiin Lampard ayaa u sheegay in loo samro xiddiga.

“Kai waxa uu ka soo ciyaaray boosas badan xirfadiisa”ayuu Lampard yidhi.

“Waxa uu ka soo ciyaaray No.8, No.10, waxa uu ka ciyaaray garabka midig markii uu joogay Leverkusen”.

“Waxa aan haystaa fikradahayga gaarka ah laakiin waa meel uu horay u socon karo”.

“Waa xiddig tayo weyn leh waxana uu u baahanyahay in uu taam noqdo lana qabsado booska uu la ciyaari doono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here