FIFA VIRUS: Xiddig Muhiim U Ah Real Madrid Oo Dhaawac Looga Saaray Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

0
66

 

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa laga saaray waajibaadka xulka qarankiia Belguim kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay.

Si kasta ha ahaatee wargayska MARCA ayaa sheegaya in uuna dhaawaca soo gaadhay Goolhayuhu ahayn mid halis ah.

Thibaut Courtois ayaa laf dhabar u ah kooxda Real Madrid isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

“Thibaut Courtois waxa uu ka tagi doonaa xulka qaranka kadib markii baadhitaan lagu sameeyay”ayuu xidhiidhka kubada cagta Belguim ku qoray Twitter-kooda.

“Kuma jiro xaalad uu ku ciyaari karo”.

Thibaut Courtois ayaa ku laaban doona Madrid Isaga oo bilaaban doonaa ka soo kabshada dhaawaca muruqa ah ee soo gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here