FIFA VIRUS: Xiddig Man United Ah Oo Ku Dhaawacmay Waajibaadka Xulka Qarankiisa.

0
48

 

Man United ayaa waayi doonta adeega xiddiga daafaca uga ciyaara ee Eric Bailly todobaadka dambe iyo waliba wax ka badan kadib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay kulanka xulka qarankiisa Ivory Coast.

Bailly oo ka garab ciyaaray Harry Maguire kulankii Tottenham ka hor fasaxii xulalka ayaa dhaawac uga baxay kulankii uu xulka qaranka Ivory Coast bar-baraha 1/1 ah la galay Belguim xalay khamiistii.

26 jirka ayaa u muuqday mid gacanta ku haya muruqa dambe ee lugtiisa markii uu ka sii baxayay ciyaarta wargayska Metro ayaana sheegaya in uu xiddigu ka dhaawacmay muruqa.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga Bailly haatan garoomada ka maqnaan karo muddo ugu yaraan 3 todobaad ah taas oo la macno ah in uu seegi doono kulamada Newcastle, PSG iyo Chelsea.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Man United marka loo eego in uu Lindelof qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulamadii hore lana filayay in uu Bailly ku bilowdo daafaca United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here