Fantasy Premier League: TODOBA Xiddig Oo Ay Tahay In Aad Shaxdaada Ku Darto Todobaadka Ugu Horeeya Ee Premier League.

0
8

Todobaadka ugu horeeya ee new Fantasy Premier League ee xilli ciyaareedka cusub ayaa la ciyaari doonaa bilowga todobaadka dambe iyada oo wakhtiga ugu dambaysa ee shaxdaada aad wax ka badali karto noqon doonto 90 daqiiqo ka hor inta ayna ciyaartu bilaaban.

Arintaas ayaa la macno ah in taageerayaashu haystaan ilaa 1:00 duhunrimo ee sabtida dambe si ay u doortaan shaxdooda.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada uu taageere kasta tahay in uu sameeyo todobaadka ugu horeeya ee premier League:

Goolhaye:Alex McCarthy, Southampton – £4.5m

McCarthy iyo kooxdiisa Southampton ayaa ka hor tagi doona Crystal Palace todobaadka ugu horeeya waxana aad kula soo wareegi kartaa kaliya lacag dhan 4.5m

Daafaca:Trent Alexander-Arnold, Liverpool – £7.5m

Qiimaha Trent ayaan ahayn mid la yaab leh marka loo eego in uu yahay daafacii ugu gool dhalinta badnaa xilli ciyaareedkii hore.

Daafaca: John Egan, Sheffield Utd – £5m

Xiddigo badan oo Sheffield United u ciyaara ayaa tayadooda muujiyay xilli ciyaareedkii hore waxana ka mid ah Egan.

Khadka Dhexe: Allan Saint-Maximin, Newcastle – £5.5m:

Xiddigaha qiimahan oo kale leh ayaa ah xiddigaha ay tahay in aad ku buuxiso shaxdaada mana jiro xiddig xiddig ka fiican Saint-Maximin.

Weerarka: MID: Pierre-Emerick Aubameyang – £12m

Aubameyang ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican horyaalka xilli ciyaareedkii hore isaga oo gool dhalin cajiib ah lahaa xilli ciyaareedkii hore.

Weerarka: Timo Werner, Chelsea – £9.5m

Waa xiddig aan premier League lagu garanayn tayadiisa laakiin waa xiddig gool dhaliye ah kaas oo dhaliyay 28 gool gool xilli ciyaareedkii horyaalka Bundesliga.

Weerar: Harry Kane, Tottenham – £10.5m

Xiddigan ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ku dhibaatooday dhaawacyo laakiin xiddig ayaa haatan taam u ah waxana uu kuu noqon karaa saxiix fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here