Fantasy Premier League: Qiimaha James Rodriguez Oo La Shaaciyay.

0
11

Tartanka Fantasy Premier League Ayaa sii xoogaysanaya ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee 2020/2020 kadib markii uu James Rodriguez ku soo biiray Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez ayaa ugu dambayn ku soo biiray Premier League kadib markii uu heshiis 2 sano ah qalinka ugu duugay kooxda Everton.

Xiddiga reer Colombia ayaa sumacd ku leh wakhtigiisii koobkii adduunka 2014 iyo waliba wakhtigii fiicnaa ee uu la soo qaatay Real Madrid markii uu kooxda tababarayay Carlo Ancelotti.

Fantasy Premier League Ayaa haatan si Rasmi ah u soo saaray qiimaha ay taageerayaashu ku heli karaan James Rodriguez si ay ugu daraan shaxdooda xilli ciyaareedka cusub.

James ayaa lagu helayaa lacag dhan 7.5 milyan waana lacag aad u yar marka loo eego tayada xiddiga khadka dhexe leeyahay inkasta oo uuna premier League horay uga soo ciyaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here