Edison Cavani Oo Ogol In Uu Ku Biiro Man United Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

0
62

 

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay si xor ah ula soo wareegto xiddiga Edison Cavani si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyaareedkan laakiin xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa Shardi ku xidhay arintaas.

Red Devils ayaa suuq adag soo qaadatay xagaagan iyaga oo ku fashilmay saxiixa xiddigo badan oo uu ugu horeeyo xiddiga Borussia Dortmund.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddig gool dhaliye ah ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga waxana ay doonayaan xiddiga xorta ah ee Edison Cavani.

Wargayska The Athletic ayaa sheeegaya in uu 33 jirku aad u doonayo in uu ku soo biiro kooxda ku ciyaarta Old Trafford laakiin xiddiga ayaa Man United ka dalbaday heshiis 2 sano ah ama wax ka badan  si uu ugu soo biiro United.

Laakiin isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man United ka meer-meerayso dalabka Cavani arintaasna sabab u noqon karto in uuna ku soo biirin Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here