Edison Cavani Oo La Xaqiijiyay In Uu Ku Dhawyahay Real Madrid

0
64

 

Inkasta oo la filayo in ayna Real Madrid wax saxiixyo cusub ah samayn doonin inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan hadana Idaacada Radio MARCA ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Edison Cavani ku soo biiri karo Real Madrid.

Edison Cavani ayaa ah xiddig xor ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda PSG bishii May kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Roberto Gomez ayaa Idaacada Radio MARCA u sheegay in Cavani uu wakiilkiisa Rene Ramos ahna walaalka la dhashay kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos u sheegay in uu wadahadalo la furo Real Madrid.

“Cavani waxa uu Rene Ramos u sheegay in uu wadahadalo la furo Real Madrid”ayuu Roberto Gomez u sheegay Radio MARCA.

“Waxa ay xaq u leeyahay in uu wadahadalo la furo Real Madrid si uu xor ugu biiro Cavani”.

“Waxa ay u muuqataa in ayna Real Madrid wax saxiix ah samayn doonin inta ka dhiman suuqa laakiin wax walba way dhici karaan, Rene haatan waxa uu wadahadalo kula jiraa Real Madrid, Cavani-na waxa uu doonayaa in uu ku biiro Real Madrid”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here