Edinson Cavani & Alex Telles Oo Tijaabada Caafimaadka U Maraya Man United.

0
62

Kooxda Man United ayaa qarka u saaran dhamaystirka saxiixa xiddigaha Edinson Cavani & Alex Telles kuwaas oo la filayo in ay saacadaha soo socda ku dhawaaqdo saxiixooda.

Labada xiddig ayaa la filayaa in hal mar lagu dhawaaqo saxiixooda iyaga oo noqon doona saxiixyada cusub ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Shakabada Sky Sport ayaa sheegaysa in ay labada xiddig ee Edinson Cavani & Alex Telles haatan ku suganyihiin garoonka tababarka kooxda Man United si ay tijaabada caafimaadka ugu maraan kooxda Man United.

Xiddiga Edison Cavani ayaa la qalinka ku duugi doona heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono Old Trafford isaga oo xoojin doona weerarka kooxda.

Dhanka kale Alex Telles ayaa la filayaa in uu United qalinka ugu duugo heshiis wakhti dheer ah kadib markii ay Man United ogolaatay 18 milyan oo ay doonaysay Porto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here