Diego Simeone Oo La Xidhiidhay Xiddig U Ciyaara Arsenal Si Uu Ugu Qanciyo In Uu Ugu Biiro Kooxdiisa.

0
55

 

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa si toos ah ula xidhiidhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Lucas Torreira xilli ay Atletico Madrid qorshaynayso in ay heshiis amaah ah kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Atletico Madrid ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddigo dhawr ah ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan si ay ula soo saxiixato xiddigaha Thomas Partey iyo Houssem Aouar.

Gunners ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xidiga khadka dhexe ee Torriera iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo dhawr ah oo reer yurub ah.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid haatanba wadahadalo la furtay kooxda Arsenal si ay uga hesho xiddiga khadka dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid heshiis amaah ah ku doonayso xiddiga Torriera iyada oo uu Tababaraha Atletico ee Simeone haatanba la xidhiidhay xiddiga si uu ugu qanciyo in uu u dhaqaaqo Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here