Dib U Eegid: Donny van de Beek Oo Isku Qoray Taariikhda Man United Ee Premier League.

0
37

 

Kooxda Man United ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier League.

Laakiin guuldaradaas ayaan Saxiixa cusub ee Man United ee Donny Van de Beek ka hor istaagin in uu isku qoro taariikhda kooxda Man United ee Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Donny Van de Beek ayaa furtay akoonkiisa goolasha kooxda Man United kadib markii uu badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Kadib goolkaas Donny van de Beek ayaa noqday xiddigii 20-aad ee gool u dhaliya Man United kulankiisia ugu horeeya ee horyaalka premier League xill ay 10-ka mid ah kaydka ka soo keceen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here