Dib U Eegid: Chelsea Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Premier League Laga Dhigay 19 Sano Ka Hor.

0
67

Kooxda chelsea ayaa ka badbaaday guuldaro lama filaan ah oo ka soo gaadha kooxda West Brom kulan ka tirsanaa todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Mason Mount, Callum Hudson-Odoi Iyo Tammy Abraham ayaa Chelsea ka caawiyay in ay bar-baro soo laabasho leh la gasho kooxda West Brom.

Kadib bar-barahaas kooxda cheslsea ayaa boodhka ka jafatay rikoodh rikoodh laga dhigay horyaalka premier League bilowgii sanadkii 2011.

Chelsea ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee guuldaro ka badbaada kadib markii laga dhaliyay 3 gool iyo wax ka badan qaybta dambe ee ciyaarta.

Kooxdii ugu dambaysay ee sidaas samaysay ayaa ahayd West Ham iyada oo bar-baro 3/3 ah la gashay Premier League bishii February 2011 Iyaga oo sidoo kale wakhtigaas bar-baro la galay West Brom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here