Dhirbaaxo: Gabriel Jesus Oo Ka Dhaawacmay Man City, Imisa Uu Garoomada Ka Maqnaan Doonaa?

0
76

 

Gabriel Jesus ayaa seegi doona seddexda kulan ee soo socota ee Manchester City iyo waliba kuwo intaas ka badan ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Wolves Isniintii.

Inta uu dhaawacu leegyahay wali lama oga laakiin xidhiidhka Brazil ayaa xiddiga xaqiijiyay in laga reebay Liiska xiddigaha xulka uga qayb gali doona is reeb-reebka koobka adduunka.

Xilli uu Sergio Aguero garoomada ka maqnaan doono ilaa bartamaha bisha dambe City ayaa kulanka Leicester City galaysa iyaga oo aan haysan weeraryahan 1-aad oo kooxda 1-aad ah iyaga oo soo dalacaya 17 jirka Liam Delap kaas oo ciyaaray kulankii Carabao Cup.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa dhankiisa Twitter-kiisa ku xaqiijiyay dhaawaciisa isaga oo fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa.

Jesus ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo oqray”Waxa aan soo noqon doonaa dhawaan” kadib markii la shaaciyay warka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here