Dhacdooyinki Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Liverpool Garaacday Chelsea

0
51

Kooxda Liverpool ayaa garaacday kooxda Chelsea kulan ka tirsanaa todobaadkii 2-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Goolal oo uu dhaliyay Xiddiga Sadio Mane ayaa Reds ku hogaamiyay guul ay u qalantay kulanka iyaga oo kulankoodii 2-aad guul gaadhay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay Liverpool garaacday Chelsea.

1.Inkasta oo uu badal ku soo galay qaybtii hore hadana Thiago ayaa dhamaystiray 75 baas isaga oo ka badan xiddig kasta oo chelsea ah xitaa kuwii dhamaystay ciyaarta isaga oo noqday xiddigii ugu horeeyay ee 45 daqiiqo ku dhamaystira 75 baas oo guul ah premier League tan ilaa 2003/2004.

2.Kooxda Liverpool ayaa markii ugu horaysay ee taariikhdeeda guul gaadhay 2-da kulan ee ugu horeeya xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah.

3.Chelsea ayaa kaadh cas loo taagay sidoo kale rikoodhe laga qabtay markii ugu horaysay premier League tan ilaa February 1999 kulankaas oo ay la ciyaarayeen kooxda Blackburn markaas oo kaadhka cas loo taagay Gianluca Vialli halka uu Frank Leboeuf khasaariyay rikoodhe.

4.Jorginho ayaa khasaariyay rikoodhe markii ugu horaysay 9 rikoodhe oo uu u qaatay chelsea tartamada oo dhan.

5.Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson ayaa markii ugu horaysay rikoodhe qabtay tan ilaa markii uu ku soo biiray Liverpool.

6.Sadio Mané ayaa noqday xiddigii 3-aad ee 2 gool ku dhaliya Stamford Bridge horyaalka premier League iyada oo ay kaga horeeyeen xiddigaha Steve McManaman December 1995 iyo Philippe Coutinho October 2015.

7.Andreas Christensen ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee kaadhka cas loo taago kulamada Liverpool iyo Chelsea tan ilaa markii Frank Lampard kaadhka cas loo taagay February 2009.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here