Dejan Lovren Oo Ka Fal Celiyay Guuldaradii Liverpool Ka Soo Gaadhay Aston Villa.

0
42

 

Daafacii hore ee kooxda Liverpool Dejan Lovren ayaa ka fal celiyay guuldaradii weynayd ee ay Liverpool kala kulantay Aston Villa kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Reds ayaa guuldaro weyn kala kulantay Aston Villa kulan ka dhacay garoonka Villa Park kaas oo ay Reds kala kulantay guuldaro 7/2 ah.

Kadib ciyaarta waxa jirtay dhaleecayn xoogan oo ay taageerayaasha Liverpool ku qaadeen xiddigaha Liverpool kadib guuldarada soo gaadhay.

Daafacii hore ee kooxda Liverpool Dejan Lovren ayaa bogiisa Twitter-ka kaga fal celiyay guuldarada isaga oo difaacay xiddigaha kooxda Liverpool

Lovren ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoay”Ma ahan in hal ama 2 xiddig lagu eedeeyo guuldarada, waxa garoonka ku jiray 11 xiddig kuwaas oo u shaqeeyay koox ahaan, mararka qaar waxa jirta maalmo fiican ama maalo xun, maalinta bari ah waa maalin cusub, aynu horay u socono”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here