DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Bisha Ugu Horaysa Premier League Oo La Soo Saaray.

0
60

 

Kadib bishii ugu horaysay ee la ciyaaray horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2020/2021 waxa la soo saaray xiddigaha u tartami doona bisha September.

8 Xiddig ayaa u tartami doona abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa bishii September ee la soo dhaafay kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Patrick Bamford (LEE):

Weeraryahanka Leeds United ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee kooxda u dhaliya 3 gool 3-dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka premier League iyo xiddigii 3-aad ee sidaas dameeya kadib makrii uu dib ula soo dalacay kooxdiisa horyaalka premier League

Dominic Calvert-Lewin (EVE):

Xiddiga kooxda Everton ayaa dhaliyay 5 gool 3 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa Everton kadib markii uu 3 gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay West Brom sidoo kale 2 gool dhaliyay labadii kulan ee kale.

Timothy Castagne (LEI):

Xiddiga reer Belguim ayaa si fiican ku bilowday qaab ciyaareedkii Leicester City isaga oo hal gool dhaliyay sidoo kale shabaqiisa ilaashaday

Harry Kane (TOT):

Weeraryahanka Tottenham ayaa noqday xiddigii 2-aad ee taariikhda premier League 5 gool iyo wax ka badan ku lug lahaa hal kulan kadib markii uu 4 caawin sameeyay sidoo kale gool kale dhaliyay kulankii ay Tottenham garaacday Southampton.

Tariq Lamptey (BHA):

Xiddiga 20 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay waliba si joogto ah ugu ciyaaray Brighton caawiyena ka noqday kulankii chelsea sidoo kale ku guulay 2 rikoodhe.

Sadio Mane (LIV):

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa 2 gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu garaacday chelsea ka hor inta uuna dhalin gool kulankii ay Reds 3/1 uga badisay Arsenal.

James Rodriguez (EVE):

Xiddiga khadka dhexe ee kubad sameeyaha ah ayaa saamayn ku yeeshay kooxdiisa Everton isaga oo sameeyay gool sidoo kale gool qurux badan u dhaliyay kooxdiisa.

Jamie Vardy (LEI):

Xiddiga difaacanaya gool dhalinta premier League ayaa si fiican ku bilowday isaga oo dhaliyay saddexley kulankii ay Leicester City 5/2 uga badisay Man City sidoo kale laba gool dhaliyay kulankii ugu horeeyay ee West Brom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here