DEG-DEG: Xiddig Liverpool U Ciyaara Oo Horay Looga Helay Xanuunka Korona Maalmo Ka Hor Oo Hadana Laga Waayay Xanuunka.

0
71

 

Xiddiga Xherdan Shaqiri ayaa u ciyaari doona xulka qarankiisa Switzerland kadib markii laga waayay xanuunka Korona.

Xiddiga Liverpool aya maalmo yar ka hor laga helay xanuunka Korona kadib markii uu aaday waajibaadka xulka qarankiisa waxana la galiyay karantiil.

Shaqiri ayaa noqday xiddigii 3-aad ee laga helo Liverpool muddo todobaad ah kadib markii sidoo kale laga helay xiddigaha Sadio Mane iyo Thiago Alcantara.

Laakiin baadhitaan cusub oo lagu sameeyay shaqiri ayaa muujiyay in uuna xiddigu qabin xanuunka Korona.

Dhakhaatiirta Xulka qaranka ayaa sheegay in uu xanuunku Horay ugu dhacay xiddiga bilowgii sanadkan gaar ahaan bilihii January ama February sidaas darteed uu jidhka xiddigu difaac ka samaystay xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here