DEG-DEG: Pierre-Emerick Aubameyang Oo Iska Diiday Heshiiska Cusub Ee Arsenal Koox Premier League Ahna Doonaya In Uu Ku Biiro.

0
37

Xiddiga kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday dalabka heshiiska cusub ee ay Kooxda Arsenal u soo bandhigtayy sida ay sheegayaan wararku.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda Arsenal waxana uu si xor ah uga tagi karaa Arsenal xagaaga dambe.

Wargayska BSP Ayaa sheegaya in uu xididga Pierre-Emerick Aubameyang iska diiday heshiis cusub oo ay kooxda Arsenal u soo bandhigtay waliba doonayo in uu isaga tago kooxda Arsenal.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu kabtanka Gunners doonayso in uu kooxdiisa ku cadaadiyo in uu u dhaqaaqo kooxda Man United inta lagu jiro xagaagan.

Warkan ayaa noqonaya mid lama filaan ah marka loo eego in si weyn loo filayay in lagu dhawaaqo heshiiskiisa cusub ee Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here