DEG DEG: Pierre-Emerick Aubameyag Oo Qalinka Ku Duugay Heshiiskii La Filayay & Taageerayaasha Arsenal Oo Farxad La Dabaaldegaya.

0
70

Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday goor dhaweyd heshiiskii la filayay iyagoo qandaraas cusub ka saxiixay kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang.

Arsenal iyo Aubameyang ayaa si maldahan u sheegayay shalay ilaa iyo maanta in ku dhawaaqis weyn ay soo socoto iyagoo haatan ku dhawaaqay in Aubameyang uu mustaqbalkiisa u hibeeyay Gunners.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa qalinka ku duugay heshiis seddex sannadood ah isagoo loo sameeyay mushahar kordhin ka dhigeysa mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda.

Aubameyang ayaa mushahar ahaan u qaadan doona isbuucii 250 kun ginni iyadoo lacagaha uu abaalmarinta ku helayo ay mushaharkiisa ka dhigi doonto inuu kor u dhaafo lacagta uu Ozil qaato ee 300 kun ginni isbuucii.

Taageerayaasha Arsenal ayaa bilaabay dabaaldeg iyagoo farxadooda warkaan ku saabsan ku soo bandhigaya baraha bulshada.

Waxay ka baqayeen in kabtankooda oo ahaa xiddiga ugu goolasha badan kooxda labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay inuu kooxda isaga dhaqaaqayo.

Heshiiskii hore ee Aubameyang ayaa ku ekaa xagaag danbe ee 2021 taasoo ka dhigneyd inuu xor ku bixi karay laakiin haatan wuxuu mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda ilaa iyo 2023.

Tababare Mikel Arteta iyo agaasimaha farsamada Edu ayaa ku guuleystay inay ka dhaadhiciyaan xiddigii hore ee Borussia Dortmund inuu baaqi ku sii ahaado Emirates Staduim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here