DEG-DEG: Man United Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii 3-aad Ee Xagaaga.

0
67

 

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn kooxda Fc Porto kala heshiisay saxiixa xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Alex Telles kaas oo noqon doona saxiixii 3-aad ee Man United samayso xagaagan.

Alex Telles ayaa la filayaa in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Man United ka hor inta uuna aadin waajibaadk xulka qarankiisa Brazil.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa noqon doona saxiixa 3-aad ee kooxda Man United marka loo eego in ay United horay ula saxiixatay xiddiga Donny Van de Beek iyo Edison Cavani oo haatan Ku sugan magaalada Manchester si uu u saxiixo heshiiska.

Man United ayaa Telles u doonaysa in uu booska daafaca ula tartamo xiddigaha ay kooxda ku haystaan inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here