DEG-DEG: Lyon Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Bartilmaameedka Arsenal Ee Houssem Aouar, Arsenal-na Ku War Galisay.

0
93

 

Kooxda Lyon ayaa si Rasmi ah u xaqiinisay in uuna xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar ka tagi doonin kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Houssem Aouar ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda Arsenal intii badnayd ee suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo uu Mikel Arteta u arkooday xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa.

Arsenal ayaa dhawr dalab ka gudbisay laakiin Lyon ayaa ka soo diiday maadama ayna ahayd dalabyadaas qiimihii ay doonayeen in ay ku iibiyaan.

Wargayska RMC Sport Ayaa haatan xaqiijiyay in ay kooxda Lyon gabi ahaan Albaabada u xidhay wadahadalo walba oo ay kula jireen kooxda Arsenal iyaga oo u sheegay in uu xiddigu sii joogi doono kooxda Lyon xilli ciyaareedkan.

Go’aankan ayaa imaya kadib markii kooxda Lyon u qabatay Arsenal ilaa jimcihii si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar.

Madaxweynaha Kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa dhankiisa Xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee 22 jirka ah sii joogi doono kooxda xagaagan.

Warkan ayaa Dhirbaaxo ku ah kooxda Arsenal kuwaas oo si aad ah u doonayay saxiixa xiddiga khadka dhexe inta lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here