DEG-DEG: Liverpool Oo Ka Jawaabtay Dalab Rasmi Ah Oo Ay Barcelona Ka Gudbisay Georginio Wijnaldum

0
8

Kooxda Liverpool ayaa si deg-deg ah u diiday dalab Rasmi ah oo ay Barcelona ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum sida ay sheegayaan wararka ka imanaya England.

Barcelona ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kadib markii uu tababare Ronald Koeman bartilmaameedka 1-aad ka dhigtay.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ay Kooxda Barcelona dalab 12 milyan oo euro ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.

Laakiin Reds ayaa isla markiiba diiday dalabkaas iyaga oo Barcelona u sheegay in uuna iib ahayn xiddiga khadka dhexe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar u tahay in ay sii haysato xiddiga ilaa inta uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe hadii aanay Barcelona miiska saarin lacag dhan 25 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here