DEG-DEG: Liverpool Oo Aad Ugu SiiDhawaneyso Saxiixa Thiago Alcantara, Horumar Ayay Ka Samaysay.

0
70

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Thiago Alcantara kadib wadahadalo horumar leh oo ay ka samaysay saacadihii la soo dhaafay.

Liverpool ayaa muddo bilo ah lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara waxana ay ugu dambayn ku dhawdahay saxiixa xiddiga 29 jirka ah.

Wargayska Liverpoool Echo ayaa haatan sheegaya in ay Liverpool iyo Bayern Munich heshiis hordhac ah ka gaadheen saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Liverpool ayaa miiska saartay dalabkii ay Bayern Munich doonaysay oo dhan 27 milyan oo euro xilli ay haatan labada kooxood dhamaystirayaan wadahadalada.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay wadahadalada u dhexeeya labada kooxood ku dhawyihiin dhamaad lana filayo in heshiiska lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

Laacib.net

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here