DEG-DEG: Laba Xiddig Oo Man City U Ciyaara Oo Laga Helay Xanuunka Korona.

0
47

Xiddiga kooxda Man City ee Riyad Mahrez & Aymeric Laporte ayaa laga helay xanuunka Korona sida ay xaqiijisay kooxda Man City.

Warbixin ay kooxdu soo saartay ayay ku tidhi” Labada xiddigba haatan waxa ay ku jiraan Karantiis kadib markii ay muujiyeen calaamadaha xanuunka”.

“Cid walba oo kooxda ah waxa ay Riyad iyo Aymeric u rajaynaysaa in ay si deg-deg ah u soo kabsadaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub”.

Kooxda Man City ayaa xilli ciyaareedka ku bilaaban doonta kulanka Wolves ee 21 bishan haatan lagu jira iyaga oo fasax qaadan doona todobaadka ugu horeeya ee premier League.

Arintan ayaa la macno ah in ay labada xiddig ee Riyad Mahrez & Aymeric Laporte seegi doonaan kulanka Wolves sabab la xidhiidha in ay 14 maalin karantiil gali doonaan.

Sii Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Beeleedkii Ka Dhacay Galgaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here