DEG-DEG: Diego Jota Oo Soo Gaadhay Garoonka Tababarka Liverpool Ee Melwood

0
55

 

Xiddiga kooxda Wolves ee Diego Jota ayaa lagu soo waramayaa in uu ku suganyahay garoonka tababarka kooxda Liverpool ee Diego Jota halkaas oo uu gaadhay hal saac ka hor.

Diego Jota Ayaa la filayaa in uu noqdo saxiixii 3-aad ee kooxda Liverpool ee xagaagan xilli ay wadahadalo horumar leh kula jiraan kooxda Wolves.

Reds ayaa la sheegayaa in ay ku dhawdahay in ay qiimo 35 milyan ah kula wareegto xiddiga reer Portugal kaas oo noqon doono saxiixii ugu dambeeyay ee Liverpool.

Xiddiga 243 jirka ah ee Diego Jota ayaa dhanka kale qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Liverpool.

Ku Dhawaaqista saxiixa Jota ayaa la filayaa saacadaha soo socda ama wakhti hore oo maalinta sabtida ah marka ay kooxdu dhamaystirto wax walba oo ku saabsna heshiiska.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here