DEG-DEG: Barcelona Iyo Lyon Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Memphis Depay

0
21

Kooxaha Lyon Iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ka heshiiyeen saxiixa xiddiga Memphis Depay kaas oo ay Barca ka bixin doonto lacag dhan 22 milyan oo euro xilli uu Ronald Koeman bilaabay dib u dhiska kooxda.

Tababaraha cusub ee Barcelona ayaa doonaya in uu Memphis Depay ka garab ciyaara Lionel Messi badal-na u noqdo xiddiga Luis Suarez kaas oo ku dhaw in uu ka tago kooxda.

Wargayska La Vanguardia ayaa sheegaya in ay kooxda Lyon aqbashay dalabka Barcelona sidoo kale heshiiska shaqsiga ah la dhamaystiray.

Depay ayaa noqon doona saxiixii ugu horeeyay ee tababare Ronald Koeman hadii la dhamaystiro saxiixa xiddiga reer Holland.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo Semi-final-ka geeyay kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here