DEG-DEG: Arsenal Oo Laga Soo Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Houssem Aouar

0
79

 

Madaxweynaha Olympic Lyon, Jean-Michel Aulas, ayaa shaaca ka qaaday xaqiiqda ah in xiddiga khadka dhexe ee kooxdiisa ee Hossam Aouar, uu ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo Arsenal xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee reer France ku dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Arsenal si uu u xoojiyo kooxda Mikel Arteta.

Laakiin madaxweynaha Lyon ayaa uga jawaabey arintan bogiisa Twitter-ka isaga oo yidhi wuxuuna qoray”Waxaa jira qaar ka tagaya kooxda, laakiin ilaa haatan ma xadidan”.

Wuxuu sii raaciyay: “Marka laga hadlayo arinta Hossam Aouar, dalabka Arsenal waa mid aad uga fog hamigeena dhaqaale iyo qiimaha lagu iibinayo xiddiga xagaagan”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi”Taasi waa sababta uu xiddigu u ciyaari doono kulanka weyn ee Lorient waxana aan ka sugaynaa in uu naga caawiyo u soo bixista champions League xilli ciyaareedka soo socda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here