David Luiz & Willian Oo Qalqaalo U Wado Xidigii Hore Kooxda Chelsea & Xulka Brazil,

0
47

Xiddigaha kooxda Arsenal ee David Luiz & Willian ayaa lagu soo waramyaa in ay xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Oscar ku qancinayaan in uu kula biiro Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Oscar oo 29 jir ah ayaa ka tagay chelsea sanadkii 2017 isaga oo haatan u ciyaara kooxda shiinaha ah ee Shanghai SIPG waxana uu heshiiskiisu dhici doonaa xagaaga 2024.

Xiddiga reer Brazil ayaa xaqiijiyay in ay labada xiddig ee ay isku xulka yihiin doonayaan in uu kula biiro kooxda Arsenal inta lagu jiro xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here