Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Oo Laga Dhexwaayay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Yurub, Goorma Ayaa Ugu Dambaysay Oo Ayna Ku Jirin Tartanka?

0
45

 

Xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo ayaa laga reebay Liiska xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xuddiga ugu fiican yurub markii ugu horaysay muddo 10 sano ah.

Ronaldo oo haatan kooxda Juventus u ciyaaray ayaa Abaalmarinta ku guulaystay 3 jeer halka uu sidoo kale guud ahaan abaalmarinta u tartamay 9 sano.

Dhanka kale xiddiga kooxda Juventus ee Lionel Messi ayaa abaalmarinta ku guulaystay 2 jeer halka uu ka mid ahaa xiddigaha u tartamayay 6 ka mid ah 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Labada xiddig ayaa wali ah xiddigaha ugu fiican jiilkooda waxana ay wali sii wadaan jabinta rikoodhada kubada cagta inkasta oo ay da’ ahaan sii weynaanayaan.

Laakiin labada xiddig ayaan sanadkan markii ugu horaysay muddo 10 sano ah ku jirin 3-da xiddig ee u tartamaya abaalmarinta xiddiga ugu fiican yurub.

Kooxda Juventus & Cristiano ayaa champions League looga reebay wareega 16-ka xilli ciyaareedkii hore kadib guuldaro ka soo gaadhay kooxda Lyon.

Dhanka kale Barcelona iyo Messi ayaa si ceeb ku jirto loogaga reebay tartanka champions League wareega 8 dhamaadka kadib guuldaro 8/2 ah oo ka soo gaadhay Bayern Munich.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here