Ciyaarhan Chelsea Ah Oo Ku Dhaw In Uu Ku Biiro PSG, Wadahadallo Ayaa U Socda

0
59

 

PSG ayaa dadaal dheeraad ah ku bixineysa in xagaagaa ay helaan mid ka ah ciyaartooyda kooxda Chelsea sida warbaahinta France laga soo xiganayo.

Wargeyska 10 Sport  ayaa sheegaya in PSG isha ku hayaan in xagaagaan helaan Tiémoué Bakayoko kaasi oo ay aaminsan yihiin in laga heli karo suuqa xagaaga.

Tiémoué Bakayoko ayaa la xusayaa  in uusan qeyb ka aheyn qorshayaasha tababare Lamparad ee xagaaga waana midda keeneysa in la soo hamiyo

PSG waxa ay damacsan tahay in amaah hal xilli ciyaareed ah ay ku helaan laacibka waliba lagu darro qodob sheegaya in ugu dambeyn ay toos u iibsan karaan

Wadahadallo ayaa haatan u socda labada koox waxa ayna Chelsea dhankeeda dooneysaa 5 milyan oo euro ay amaahda ku ogalaadaan waliba ugu dambeyn ay ku iibin doonaan 45 milyan oo euro xilli PSG arintaas diidan yihiin

Tiémoué Bakayoko ayaa hishiiskiisa Chelsea waxa uu dhacayaa xagaaga 2022-ka , waxa uuna xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay kooxda Monaco .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here