Chelsea Oo U Dhaqaaqaysa Xiddig Lala Xidhiidhinayay Arsenal Xagaagan Oo Dhan.

0
58

 

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey kaas oo ay u aragto badalka Declan Rice.

Chelsea ayaa la fahamsanyahayin ay doonayso in ay samayso saxiix kale ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga waxana bartilmaameed u ah xiddiga west Ham ee Decline Rice.

Laakiin West Ham ayaa dalbanaysa lacag dhan 80 milyan oo euro taas oo cheslea ku qasbaysa in ay raadsato bartilaameed kale.

Wargayska The Guardian ayaa sheegaya in ay BLues bartilmaameed ka dhigatay xididga Kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey kaas oo si weyn loola xidhiidhinayay Arsenal.

Gunners ayaa doonaysay saxiixa xiddiga reer Ghana laakiin haatan waxa ay u muuqataa in ay isaga hadhay kadib markii ay bixin wayday qiimaha 45-ka milyan ee Atletico dalabanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here