Chelsea Oo Quus Ka Taagan Soo Qaadashada Xidiga U Ciyaara Kooxda West Ham.

0
70

Kooxda West Ham ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay diido dalab walba oo ay chelsea ka soo gudbiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga Declan Rice ayaa West Ham kula jira heshiis 4 sano ah waxana ay ku qiimaysa lacag dhan 80 milyan oo euro lacagtaas oo ah mid ayna kooxna bixin doonin.

Chelsea ayaa ah kooxda bartilmaameedka ka dhigatay xiddiga khadka dhexe ee reer England iyaga oo doonaya in ay lacag iyo xiddig isugu daraan heshiiska ay ku doonayaan.

Laakiin wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay West Ham diidi doonto dalabkaas iyo mid walba oo Chelsea uga yimaada xiddiga xagaagan.

Tababare David Moyes ayaa xiddiga reer England u arka mid muhiim ka ah qorshihiisa xilli ciyaareedkan waxana uu diyaar u yahay in uu sii haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here