Chelsea Oo Loo Soo Bandhigay Badalka Kepa Arrizabalaga

0
9

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay kula saxiixan karto Goolhayaha kooxda Ajax ee Andre Onana sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Frank Lampard ayaa haatanba ah kooxda ugu mashquulka badan suuqa kala iibsiga iyaga oo suuqa galiyay wax ka badan 200 oo milyan 6 xiddig-na keenay ilaa haatan.

Laakiin Chelsea ayaa wali suuqa ka raadinaysa Goolhaye Cusub oo ay ku badasho Kepa Arrizabalaga kaas oo qaab ciyaareed xun ku jira bilihii ugu dambeeyay

Blues ayaa lala xidhiidhinayaa Goolhayayaasha Edouard Mendy, Sergio Romero, Mike Maignan, Gianluigi Donnarumma & Jan Oblak Laakiin wargayska Evening Standard ayaa sheegay in kooxda chelsea loo soo bandhigay saxiixa Goolhayaha reer Cameroon ee Onan.

Goolhayaha 24 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa Goolhayaha kooxaha Barcelona & Paris Saint-Germain kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here