Chelsea Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Soo-Saartay Mustaqbalka Kepa Kadib Imaatinkii Edouard Mendy

0
89

 

Tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu amaah ku diro Kepa Arrizabalaga isla markaana uu Goolhaye Edouard Mendy ka dhigo Goolhayaha 1-aad ee kooxda.

Mendy ayaa todobaadkan ku soo biiray Blues isaga oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah xilli uu Lampard lumiyay kalsoonida Kepa kadib khaladkii badnaa ee uu sameeyay.

Xilli Mendy loo keenay in uu Goolhaye Kepa kula tartamo booska Goolhayaha 1-aad ee kooxda hadana Frank Lampard ayaa si toos ah goolhayaha reer Senegal uga dhigi Kara dookha 1-aad.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu tababare Lampard wali go’aan ka gaadhin mustaqbalka Kepa laakiin diyaar u yahay in uu marka hore xilli ciyaareedkan amaah u diro.

Kepa Arrizabalaga oo ah Goolhayaha ugu qaalisan taariikhda kubada cagta ayaa ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga filayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here