Chelsea Ayaa Haatan Ka Ciyaaryahano Fiican Liverpool.

0
40

 

Weeraryahankii hore ee kooxda Chelsea Tony Cascarino ayaa amaanay la soo wareegida Kai Havertz.

Laacibkii hore ee khadka dhexe ee Bayer Leverkusen ayaa xalay kulankiisii ​​ugu horreeyay guul ka soo hooyay Brighton.

Ciyaarta ka hor, Cascarino ayaa u sheegay The Times”Ma sugi karo inaan arko Kai Havertz, Timo Werner iyo Christian Pulisic oo hogaaminaya safka Chelsea”.

“Kooxda Frank Lampard haatan waxay heystaan ​​seddexda weerar ee ugu xiisaha badan Premier League, waxana ay leeyihiin tayo ay kaga fiicnaan karaan xiddigaha Liverpool ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino”.

“Christian Pulisic & Havertz waxa ay leeyihiin orod badan iyo waliba haybad farsamo halka uu Timo Werner yahay gool dhaliye halis ah”.

“Havertz gaar ahaan waxa uu noqon doonaa xididg u fican chelsea xitaa wada uu ka fiicanyahay Xiddiga Jadon Sancho”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here