Bruno Fernandes Oo Magacaabay 3 Xiddig Oo Man United Ah Oo Uu Ku Kalsoonyahay In Laadan Karaan Rikoodhada Kooxda.

0
77

 

Bruno Fernandes ayaa sheegay inuu si buuxda ugu kalsoonyahay Rikoodhada ee xiddigaha Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Paul Pogba hadii uuna isagu laadin.

Xiddiga reer Portugal ayaa noqday xiddiga United masuulka uga ah rikoodhada kadib markii uu kooxda yihin suuqii January.

Intii uu joogay United xiddiga 26 jirka ah ayaa dhaliyay 8 rikoodhe oo loo dhigay kooxda Man United.

Xiddigaha Rashford, Martial & Pogba ayaa dhamaantood rikoodhe ka khasaariyay kooxda Man United ka hor intii uuna ku soo biirin Fernandes kooxda.

“Wax macno ah ma lahan hadii aan rikoodhada laado”ayuu u sheegay United Review.

“Waxa aan haysanaa xiddigo badan oo tayo leh kuwaas oo laadi kara rikoodhada.

“Waxa aan ku kalsoonahay xiddigaha Rashford, Martia iyo Pogba kuwaas oo dhamaantood leh tayo ay ku laadi karaan rikoodhada”.

Sii Akhriso: Muuqaal Naxdin Leh: Askri Kenya Ah Oo Si Naxariis Daro Ah U Dilay Nin Somali Ah, Halkee Ayay Ka Dhacday?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here