Bruno Fernandes Oo Kashifay Doorkii Uu Cristiano Ronaldo Ka Qaatay Ku Biiristiisa Man United.

0
67

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa kashifay doorkii uu Cristiano Ronaldo ku lahaa ku biiristiisa Man United ee suuqii January ee sanadka.

Bruno ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu ku biiro Man United sabab la xidhiidha in ay ahayd kooxdiisa riyada sababta oo ah Cristaino Ronaldo oo u soo ciyaaray kooxda.

Bruno oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Sabab la xidhiidha Cristian, Kooxdayda Riyada ee England waxa ay ahayd Man United”.

“Tababaraygii markii aan da’yarka ahaa waxa uu ii sheegi jiray in ayna kubada cagtu ahayn in ayna kubadu ahayn riyo laakiin ay tahay tartan adag una baahantahay in aan barato”ayuu sii raaciyay.

Bruno Fernandes Ayaa wacdaro ka dhigaya kooxda Man United isaga oo kooxda Solskjaer muhiim ka noqday tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here