Borussia DortmundOo Xaqiijisay War Ka Nixiyay Man United, Jadon Sancho Ayuu Ku Saabsanyahay.

0
54

 

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Borussia Dortmund Sebastian Kehl ayaa mar kale xaqiijiyay in bartilmaameedka Manchester United Jadon Sancho aan la iibin doonin inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee haatan.

Mustaqbalka ciyaaryahanka reer England ayaa ahaa hadal haynta xagaaga iyadoo la isla dhexmarayo inuu u dhaqaaqayo United, inkastoo agaasimaha Kooxda reer Germany ee Kehl Michael horay ugu adkaysanayay in Jadon Sancho sii joogi doono kooxda ku ciyaarta garoonka Westfalenstadion.

Red Devils ayaa wali isku dayaysa inay wadahadal la gasho kooxda Dortmund si ay u hesho saxiixiisa laakiin rajada United ee helitaanka saxiixaxiddiga ayaa sii yaraatay kadib hadalkii Kehl.

Agaasimaha ayaa yidhi”Sancho waa xiddigeena wuuna sii joogi doonaa, waa hadal muhiim ah sababta oo ah waa masuuliyad na saaran”.

Red Devils ayaa la aaminsanyahay in ay haatanba diyaarsatay dhawr xiddig oo ay badal ka dhiganayso Jadon Sancho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here