Borussia Dortmund Oo Kashiftay Go’aankeeda Kama Dambaysta Ah Ee Ku Aadan Ku Biirista Jadon Sancho Ee Man United.

0
85

 

Agaasimaha isboortiga kooxda Borussia Dortmund Michael Zorc ayaa qirtay inay Man United kala hadleen saxiixa Jadon Sancho.

Maamulka Man United ayaa wali la sheegayaa in ay doonayaan in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga xilli uu Ole Gunnar Solskjaer u doortay bartilmaameedkiisa 1-aad ee xagaagan.

Sancho oo 20 jir ah ayaa seegay Finalkii German Super Cup ee ay Dortmund guuldarada kala kulantay Bayern Munich taas oo sii xoojisay wararka ku saabsan mustaqbalkiisa.

Markii wax laga weydiiyay mustaqbalka Sancho jimcaha, agaasimaha isboortiga Dortmund Michael Zorc ayaa mar kale cadeeyay in uuna is badalin booska Dortmund isagoo ku adkeysanaya in uuna Sancho meelna uga socon kooxda xagaagan.

“Dabcan waxaan la xiriirnay Manchester United waqtiyadii hore” ayuu yiri Zorc.

“Wax walba oo ay tahay in laga sheego arinta dhankeena mar hore ayaa la yidhi.

“Mana jirto wax is badalay 3-da maalin ee ka dhiman suuqa kala iibsiga”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here