Berbatov Oo Kashifay Saxiixa Ay Man United U Baahantahay In Ay Samayso Ka Hor Inta Uuna Xidhmin Suuqa Xagaagu.

0
112

 

Weeraryahankii hore ee Manchester United Dimitar Berbatov ayaa aaminsan in kooxda ay tahay inay xooga saarto la soo saxiixashada daafac dhexe ka hir inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan muddo ka yar labo todobaad.

Red Devils ayaa sameysay kaliya hal saxiix ilaa iyo haatan xagaagan iyadoo Donny van de Beek kula soo wareegay lacag dhan 40 milyan oo euro ah.

Si kastaba ha noqotee, guuldaradii 3-1 ee ka soo gaartay Crystal Palace isbuucii furitaanka xilli ciyaareedka ayaa hoosta ka xariiqay United inay u baahan tahay inay xoojiso Kooxda maadama ay xiddigaha Victor Lindelof, Timothy Fosu-Mensah iyo Daniel James xiddigo jilicsan.

United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Dortmund ee Jadon Sancho waxana ay ku rajo weynyihiin saxiixa xiddiga inkasta oo ay Dortmund diidantahay in ay aqbasho wax ka yar 120 milyan oo euro.

Intaa waxaa dheer, Ole Gunnar Solskjaer ayaa isha ku haya inuu la soo wareego daafac bidix ee kooxda Fc Porto Alex Telles kaas oo lagu soo waramayo in uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda.

“Aniga iyo kuwa kale wax weyn ayaan ka filaynaa United xilli ciyaareedkan, waxa ay u baahanyihiin in ay la soo saxiixdaan daafac dhexe iyo saxiixyo kale si ay boosaska ugu tartamaan, hadii ay Crystal Palace 3 gool kaa dhalinaysa halis ayaad ku jirtaa”ayuu Berbatov yidhi.

“Hadii ayna kooxda xoojin waxa uu ku noqon doonaa xilli ciyaareed aad u dheer, waxa ay u baahanyihiin qof ka garab ciyaara Harry maguire kaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tan ilaa markii uu kooxda yimid”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here