Bayern Munich Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furtay Chelsea, Xiddig Baxsad Ka Ah Ayay Ka Doonayaan.

0
75

Kooxda Bayern Munich ayaa wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda chelsea iyaga oo heshiis amaah ah uga doonaya xiddiga garabka ka ciyaara ee Callum Hudson-Odoi.

Blues ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga da’yarka ah ee ka ciyaara garabka laakiin xiddiga ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaari karo.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Bayern Munich iyo chelsea wadahadalo ka qaateen xiddiga ka hor Isniinta inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Chelsea ayaan donayn in ay iska iibiso xiddiga waliba uu Hudson-Odoi heli doono kulamo ku filan xilli ciyaareedkan maadama ay kooxdu kulamo badan ka qayb galayso.

Laakiin Bayern Munich ayaa doonaysa xiddiga waxana ay wax walba u samayn doonaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here