Bayern Munich Oo Ku Dhaw In Ay Bar-Barayso Rikoodh Barcelona U Yaala.

0
75

 

Taariikhda kubada cagta waxa lagu xasuustaa kooxaha ka sareeya kooxaha kale Tusaale ahaan xulkii qaranka Brazil ee sanadkii 1970, Kooxdii Ac Milan ee uu hogaaminayay Arrigo Sacchi, Xulkii qaranka Holland iyo boqoradii Tiki-Taka ee xulka qaranka Spain iyo kuwo kale oo badan.

Kooxdii Pep Guardiola ee Barcelona ayaa ah tusaalihii ugu dambeeyay kuwaas oo ku guulaystay koobab aad u badan muddo sanad gudihiisa.

Ma jirto koox qabatay shaqadaas oo kale tan ilaa wakhtigaas laakiin Kooxda Bayern Munich ayaa haatan ku dhaw in ay shaqadaas qabato.

Kadib markii ay Bayern Munich ku guulaystay Koobka UEFA Super Cup todobaadkan waxa ay ku guulaysteen koobkoodii 4-aad hadi ay ku guulaystaan koobabka Club World Cup iyo DFL-Supercup waxa ay bar-barayn doonaan rikoodhkii Barcelona ee ku guulaysiga 6 koob hal sano gudohood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here