Barceona Oo Badelka Semedo Heshay , Man City Iyo Bayern Munich Ayay Kaga Horeeyaan

0
33

 

Naadiga Barcelona ayaa lagu waramayaa in kooxahaa Man City iyo Bayern Munich kaga horeeyaan saxiixa xiddig daafac ah  oo suuqa kala iibsiga si weyn looga doonayo.

Wargeyska The Daily Telegraph ayaa qoraya in Barcelona si fog ugu horeeyaan baacsiga garabkaan middig kooxda  Ajax ee Sergiño Dest

Ilo wareedayada qaarkood ayaa sheegaya in Barcelona ay laacibkaas ku helayaan qaab amaah xilli Munich iyo City iyana haminayeen in ay toos ula wareegaan da`yarkaas reer Holland ee 19 sano jika ah

Haddii hishiiskaas u dhaco waxa ay taasi micnaheedu tahay in Barcelona ay haystaan sedex garab middig maadaama ay haatan joogaan Sergi Roberto iyo Samedo , sidaa darteed Barcelona waxa ay ku qasban tahay  in midkood ay iibiyaan waxa ayna u badan tahay in la iibin doono Semedo.
Marka la eego qiimaaha kooxda Ajax ay ku doonayaan da`yarkaan Dest  oo ah 30 milyan oo euro waxa ay Barcelona ku fikirayaan in ay ku qaataan qaab amaah ah waliba ku daraan hishiiska qodob xusaya in xilli ciyareedka dambe  ay toos u iibsan karaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here